Deeq A. Posted May 1, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor-dhow ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda ra’iisul Xasan Cali Kheyre. Daahir Maxamuud Geelle ayaa is-casilaaddiisa sabab uga dhigay kala duwanaansho dhinaca fikirka ah oo u dhaxeysa isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Daahir uu bilihii dhowaa aad uga soo horjeeday siyaasadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites