Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwayne Mustafe Cagjar Oo Ka Qeybgalaya Shirka Nabada Ee Soomaalida Iyo Oromada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Adhaama)-Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa maalintii shalay gaadhay magaalada Adhaama ee degaanka Oromiya, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Adhaama iyadoo shacabka magaaladaas ay waddooyinka taagnaayeen iyagoo caleemo qoyan wata.

201951636922678120028792FB_IMG_155664160

Soo dhawaynta Madaxwayne Mustafe ayaa sidoo kale waxaa ka qayb qaatay masuuliyiinta u saraysa Dawladda degaanka Oromiya oo u horeeyo madaxwaynaha degaanka Oromiya Shimalis.


Madaxwaynaha ayaa ka qeybgalaya kulanka maanta ka furmaya Adhaama ee loogu xaadhayo nabad waarta oo ka dhex dhalata Soomaalida iyo Oromada oo muddooyinkii dambe colaad ka dhaxaysay.

Madaxwaynaha dowlada deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa gaadhay caasimada deegaanka Oromiya ee magaalada Adama halkaa soo siwayn ay uugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta sare ee deegaanka Oromoda uu horkacayo madaxwaynaha deegaanka Oromiyae Shimallis Abdiisaa,waxana waftiga madaxwaynaha loo soo galbiyay dhanka magalada Adama halkaaso ay maanta uu kaga qayb gali doonaan shirka nabadaynta labada shacab.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this