Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DANAB oo Al Shabaab kala wareegay deegaano Muhiim ah & Dagaal ka socdo….

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.

Dagaal ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sababay in Al Shabaab lagala wareego deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo sanadihii ugu dambeeyay Al Shabaab ay maamulayeen.

Ciidanka dowladda ayaa dhowr jeer sidaan oo kale Al-Shabaab kala wareegay degaanka Bariire, laakiin ciidanka dowladda ayaa looga bartay in ay kasoo baxaan deegaankaasi oo ah mid inta badan Al-Shabaab ay kusoo qaadaan weeraro joogto ah.

Al Shabaab ayaa waxay waayeen gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana kamid ah deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo muddo ay maamulayeen.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u balan qaaday ciidamada amaanka inay heli doonaan mushaaraadkooda iyo xuquuqda ay leeyihiin, balse looga baahan yahay inay Al Shabaab ka saaraan deegaanada Shabeelaha Hoose.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa shaacisay in Al-shabaab dagaal looga saaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha,isla markaana weli uu socdo howlgal xoogan oo la doonayo in Al Shabaab laga saaro.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Sh/Hoose
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this