Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi , Goorma ayuu Ka korayaa Cuqdadda, iyo Kala Faquuqa Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Muuse, Markii looga Tanaasuley, Doorashaddii Abu Qureeb iyo Sagaljet , ee u Goaanka geesinadda leh qaatey Gudoomiye Cirro, waxaa laga filaayey in hore loo socdo, oo uu Madaxweynuhu ururinta isku soo jiidka, walaaleenta Bulshadda sharafta badan ee Somaliland uu ka shaqeeyo, oo Runtii la is lahaa Maanta muuse waa waayo arag, waa waayeel wax badan soo maray, waxuu ka shaqayn doonnaa Mideynta shacabka Somaliland, Taasi may dhicin ilaa maanta waxaad mooddaa inuu Muuse ka shaqaynaayo, Kala qaybinta , Colaad hurinta, qoqobka iyo kala fogeynta Shacabka walaalaha ah ee reer Somaliland.

Wiilwaal waxaa laga hayaa, Ragg walaal wuxuu ku dhaamo la waa. Muuse shaqadda ugu mihiimsan ee laga rabbaa waxay tahay Mideynta shacabka, waayo Quluub kala jeeddaa Qaran ma dhisto, Marka shacbigga Jamhuuriyadda barakeysan ee Somaliland Meel u wadda socdo ayaa Horomar la gaadhi karaa, Waxaana marag ma doonto ah in shacbka Somaliland yahay dad xariir ah, oo dhaqan u leh wadda noolaashaha

Waxaa Yaab leh, in Wasiirka ku hadlaya afka madaxweynaha ee warfaafinta, uu 70% boqolkiiba Toddobaatan Shacabka Sharafta badan ee Somaliland Aflagaadeeyo oo ah taageerayaasha Xisbigga qaranka ee Waddani, Waa Madaxweyne Muuse oo ka dhex hadlaaya Wasiirka, ileen af aan kugu oolin ma qabatid, Taloow ma ogyahay in taageeradda Madaxweyne muuse tahay GOLJANNO ilaa GABILEY oo aan dhamaantood taageero u haynin. Kadib falalka Arxandarradda ah Dhulboobka ah ee lagula Kacay, haweenka iyo caruurta reer Xassan Dalab.

Haamihii Shidaalka waxuu siiyey Dawladdo shisheeye oo ay wadda shaqaystaan,
Ina Geelle arab, Wuxuu rabey inuu si hoose ugu gudbiyo Djibouti
Xarrun Boqortooyo ayaa xarraf oo ah xaafaddiisa ka dhisayaa, mulkiilahii dhulkaas ee INa xassan dalab waa loo awood sheegtey.
Laba Wiish oo Duug ah, ayaa Dekaddii berbera dadka looga dhigayaa iney shaqqo socoto
UAE ayaa lacag la’aan lagu siiyey Madaarkii berbera
30 sanno ayaa Dpworld la siiyey dekkaddii berbera oo ahayd dhaqaalaha Somaliland
Sixir Barrarku waa halkiisii
Maciishaddu waa Qaali Dhaaf
Mashruucii Jidka Berbera -Wajaale oo Fashilmey oo hadda wadadii horre la xoqxoqayo

Arrimaha culculus ee u baahan in wax laga qabto, aad bay u badan yihiin, laakiin arrintii ugu Mudnayd ee ahayd in shacabka la walaaleeyo, la isku soo dhaweeyo oo aan wax wuxumaan ah la kala dhex dhigin, waxaad mooddaa in muuse aanu fikirba ka haysanin, muhimadda ay midnimaddu leedahay, Muuse ma ogga. Madaxweynuhu Garashadiisu waa Qaybyaaladd Kala kaybin, taasi Qarran Dhisi mayso

Kayse Kaahin
keysekahin@gmail.com.

Fiiro gaar ah: Dhamaan maqaalada ku soo baxaa shabakadani ma aha kuwo ka socda ama matala shabakadani ee waa fikrada ka timaada akhrisayaasha sida ka kor ku xusan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this