Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Faah Faahin Ku Saabsan Dab Xalay Ka Kacay Suuqa Bakaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dab habeenkii xalay ahaa ka kacay suuqa Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha, kaasi oo durba lagu guuleystay in la damiyo.

Xarun ganacsi oo halkaas ku taallay ayaa la xaqiijiyey in dabkan uu ka kacay, waxaana dabdamiska iyo shacab badan oo halkaasi tagay ku guuleysteen iney damiyaan dabkan inta aanu meello badan sii gaarin.

Dadkii lahaa xarumaha ganacsiga gaar ahaan kuwa gubtay ayaa saakay halkaasi jooga si ay u qiimeeyaan khasaaraha dabkaasi uu soo gaarsiiyay, sida uu inoo sheegay mid ka mid ah ganacsatada suuqaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/WAREYSI-GANACSADE-BAKAARAHA-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this