Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DFS Oo Howlgal Ka Sameeyay Degmada Dharkeenley Ee Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayeey ciidanka ku baarayeen guryaha iyadoo sidoo kalena la baarayey gaadiidka waddooyinka maraya.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidanku ay soo qabteen dhallinyaro badan oo ugu dambeyn goob fagaare ah la isugu geeyey.

Baaritaan kadib, inta badan waa lasii daayay dhallinyaradaasi, iyadoo saraakiisha howlgalkaasi hoggaamineysay ay dhallinyarada ka dalbadeen iney ciidamada ammaanka gacan siiyaan.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay wadeen howlgal ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this