Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa K/Galbeed oo lagu dilay Buurhakaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Buurhakaba (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa ku warramaya in xalay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed lagu dilay degmada Buurhakaba ee gobolkaasi.

Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen sarkalkaasi, xilli uu ka soo baxay saldhigga Booliska ee degmadaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabelle u xaqiijiyay in raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka

Al Shabaab ayaa shaaciyay in dilka kadib sarkaalkaasi ay ka furteen Qoray AK47 ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Buurhakaba ee K/ Galbeed Soomaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this