Deeq A. Posted May 1, 2019 Muqdisho (SMN) – Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya aayaa saacadihii la soo dhaafay raashin gargaar gaarsIiyay dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mas’uuliyiinta gaaray deegaanadaasi ayaa ka warbixiyay gaargaarka ay gaasriyeen halkaasi. Dalxa ayaa sheegay in Sabiid iyo Caanool ay ka mid ahaayeen meelihii dadka Soomaaliyeed looga gurman jiray, xilliyadii adka ee uu soo maray dalka. Dhanka akale Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaliya Siciid Maxamed C/laahi oo ka mid ah wasiirada booqaday Shabeelaha ayaa sheegay in ka wasaarad ahaa ay xarumo caafimaad ka furan doonaan gobolkaasi, si daryeel iyo daawo ay u helaaan dadka raydika ah ee ku dhaqan halkaasi. Dhawaan Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo howlgallo ka wada K/ Soomaaliya ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaanada Sabiid iyo Caanoole. View the full article Share this post Link to post Share on other sites