Deeq A. Posted May 1, 2019 Muqdisho (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ayaa ugu baaqday Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya in ay dulqaad u muujiyaan shacabka culeys kasta oo soo wajaha, xilliyada ay ku jiraan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdisho. Marwo Basmo ayaa sheegtay in la guda gali doono xilliga Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare iyo Soonka, loona baahan in loo turo shacabka Soomaaliyeed Dhinaca kale Maxamed C/laahi Tuulax guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha degmooyinka looga baahan yahay in ay kalsooni ka sameystaan shacabka, si uu u hagaaga ammaanka M/Muqdisho. Hadalkan aya ku soo aadaya, xilli Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay Caasimadda ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites