Sign in to follow this  
Deeq A.

Qiyaastii 13 malyan oo kamid ah carruurta ku nool Maraykanka ayaa noloshoodu ka hoosaysaa heerka saboolnimada

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin cusub oo uu soo saaray, sanduuqa difaaca carruurta  ee lagu magacaabo The Children’s Defense Fund,  ayaa lagu sheegay in qiyaastii 13 malyan oo carruurta Maraynkan ah ay ku nool yihiin xaalad ka hooseeya heerka saboolnimada.

Sanduuqan oo qaabilsan ilaalinta xaquuqda carrruurta , ayaa warbixintiisa ku sheegay, in 12malyan iyo 800 oo kun oo carruurta Maraykanka ah, ay ku nool yihiin heer ka hooseeya khadka saboolnimada, taasi oo u dhiganta in 5-tii carrruur ah ee Maraykanka joogtaba mid kamid ah ku nool yahay xaalad ka hoosaysa heerka saboolnimada.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay, in carruurta ku nool heerkaasi ay u nugul yihiin darbi-jiifnimada, daroogada iyo gaangiska, waxaana sanduuqu dowladda Maraykanka ugu baaqay, in ay taageero dhaqaale la garab istaagto qoysaska noloshoodu ka hoosayso heerka saboolnimada, si loo badbaadiyo carruurtooda.

3-dii carruur ah ee ku nool heer ka hooseeya saboolnimada 2 kamid ah waxay kas soo jeedan qoysaska Madowga ah ee Maraykanka, taasi oo u dhiganta in carruurta ugu badan ee ku nool heerkaasi ay yihiin kuwa Madowga ah, sida ku xusan warbixinta.

Halkaan ka akhriso warbixinta oo dhan

PUNTLAND POST

The post Qiyaastii 13 malyan oo kamid ah carruurta ku nool Maraykanka ayaa noloshoodu ka hoosaysaa heerka saboolnimada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this