Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaaday taliyihii qeybta Booliiska gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_20190430_220549_377.jpg?w=1000&ssl=1Taliyaha cusub G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa xilka ka qaaday taliyhii qeybta Booliiska gobolka Nugaal, G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa xilka looga qaaday taliyaha, waxaana xilkaasi si ku meel gaar ah loogu magacaabay G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal.

G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed ayaa hore xilkan loo magacaabay  28 October 2018 waxaana uu xilka hayay mudda 6 bilood ah.

Taliye-hore.png?w=1000&ssl=1taliyihii xilka laga qaaday

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay magacaabay xilal kala duwan oo aan dikreetooyinkooda warbaahinta lala wadaagin si ka duwan madaxdii isaga ka horraysay

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaaday taliyihii qeybta Booliiska gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this