Sign in to follow this  
Deeq A.

Caa’isha hooyadeed oo sheegtay in ay carruurtii kale u baqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Saynab Cabdiwahaab Aadan oo ah hooyada dhashay Caa’isha Ilyaas gabadhii yareyd ee dilka iyo kufsiga loogu geystay magaalada Gaalkacyo ayaa mar kale dalbatay in ay caddaalad helaan.

Saynab oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo(dowlad degaanka Soomaalida) ayaa sheegtay in qoyskeedu ka soo qaxeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib markii ay la kulmeen hanjabaado joogta islamarkaana ay u baqday carruurta inteedi kale.

Sidoo kale hooyo Saynab ayaa mar kale ku celisay in ay caddaalad u helaan kufsigii iyo dilkii arxan-darrada ahaa ee Puntland loogu geystay gabdhoodii saqiirka ahayd.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Caa’isha hooyadeed oo sheegtay in ay carruurtii kale u baqday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this