Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Hargeysa Oo Laba Sanno Iyo Lix Bilood Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Nin Lagu Helay Dambi Ah In Uu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukun xadhig ah ku ridday Maxamuud Jaamac Axmed [Xamdi] oo lagu soo eedeyay inuu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka.

59008891_1341634082646514_51034489161420

Maxamuud Xamdi ayaa waxa uu kamid ahaa Macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Somaliland.


Maxkamadda gobolka maroodi-jeex ayaa laba sanno iyo lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay macalin Maxamuud Jaamac Axmed ( Xamdi) oo lagu helay danbi ah in uu aflagaadeeyay Diinta Islaamka.
Muwaadinkan maanta xukunku ku dhacay ayaa lagu soo eedeyay inuu Warbaahinta internet-ka iyo baraha bulshada ku baahiyay qoraalo uu ku aflagaadeynayo Diinta Islaamka.

Maxamuud Xamdi, ayaa waxa uu kamid ahaa Musharixiintii ka qayb-galay doorashadii 2012-kii ee Golaha deegaanka Hargeysa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this