Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab xoogan oo mar kale ka kacay Suuqa Bakaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu dab xooggan ka kacay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay agagaarka Cabdalla Shideeyey, waxaana Caasimadda Online loo xaqiijiyey inuu dabka ku eg yahay illaa hadda meeshii uu ka kacay oo ah Dabaqa Al-Khaliij oo ku dhex yaalla Suuqa Cabdalla Shideeye.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu dabka geystay Khasaaro Hantiyadeed inkastoo aan weli la sheegin inay jiraan Khasaaro nafadeed.

Baabuurta Dab damiska ayaa gaaray halka uu dabka ka kacay, waxaana ilaa hadda lala tacaalayaa sidii loo damin lahaa dabkaas oo laga cabsi qabo inuu ku faafo qeybo kale.

Suuqa Bakaaraha ayaa mar kasta galo xaalad noocaan oo kale ah mana jirto illaa hadda waxa sababo dabka iyo cidda ka dambeyso.

Wixii warar ah ee kusoo kordho kala soco Caasimadda Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this