Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhallinyaro Xukuumaddu Shaqaalaysiisay Oo Boosas Ka La Wasaaradihii Lagu Qoray

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 300 oo shaqaale ah oo hay’adda shaqaalaha dawladdu ka soo kala xushay gobollada dalka ayaa la sheegay in ay meehanaabayaan kadib markii wasaaradaha lagu qoray hawl galin waayeen. Xogo wargeyska Waaberi ka helay arrintan ayaa sheegaya in badiba 300 oo qof lagu soo xulay barmaamijkii kaalmo shaqo oo loo qaybiyay hay’adaha iyo wasaaradaha dulku aanay helin shaqo rasmi ah.

Guulaysteyaashan Kaalmaha shaqo ee imtixaanadii lixda gobol lagu qaaday ku soo baxay, ayaa isugu jira 210 wiil iyo 90 gabdhood,waxaanay xoguhu sheegayaan in laba Wasaaraddood oo kala ah Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo Wasaaradda Caafimaadka & weliba Hay’adda Dhawrista Tayadda ay si rasmi ah u shaqalaysiyeen tiradda dhalinyaradii lagu kala qoray, haseyeeshee wasaaradaha iyo Hay’addaha kale ee dalku ay hoosta dhigeen magac-yadda liisaskii Hay’adda shaqaaluhu u gudbisay ee shaqaalaysiinta dayartan, waxaana jira tuhuno aan la xaqiijin oo ku saabsan in boosaskooda dad kale lagu buuxiyay.

Geesta kalena Wasaaradda War-faafinta ayaa daraad liiska magac-yadda 44 qof dib ugu soo celisay Hay’adda shaqaalaha Dowlada, kuwaas oo kamid ahaa 300 ee qof ku guulaystay Barmaamjikii kaalmo shaqo , waxaanay wasaaradda war-faafintu sheegtay in aanay u awoodin shaqaalaysiintooda iyadooo ku andacootay inay shaqaaluhu ku badan yihiin

Dhanka kalene 50 qof ee ku guulaystay tartankii kaalmo shaqo ee gobolka Maroodijeex, ayaan iyag meel-na lagu qorin, waxaanay shalay kulan la yesheen Guddoomiyaha Hay;adda Shaqaalada Farxaan Aadan Haybe, kaasi oo u sheegay inay laba asbuuc kadib kusoo noqdaan.

Docda kalene lama garanayso sababta ay Masuuliyiinya Wasaaraddaha iyo Hay’addah Dowlad ee lagu kala qoray shaqo siinta dhalintaasi ay ugu caga jiidayaan, halka qaarkoodna la sheegay inay dad kale ku shaqaalaysiiyeen magac-yaddii,

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this