Sign in to follow this  
Deeq A.

Maalintii aynu xoriyada qaadanay waa 26kii June 1960kii

Recommended Posts

Deeq A.   

SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW
AAN SIDUU YAHAY EEGNEE
KANNA SIIB KANNA SAAR

AUN, Abwaan C/laahi Suldaan Timmacadde

Waa Maalintii Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland, waa Maalintii aynu xornimadda qaadaney, ka did baadi goob dheer iyo dadaal fara badan oo ay awowyaasheen ku soo dhiciyeen Hasheenii Maandeeq. waa Maalinta Qarannimadda Somaliland. Qarankani ma geyo in la marin habaabiyo , 26 JUNE 1960, waa Maalin la wadda leeyahay lawyacaddo ilaa YOOCADDA.

Sax ma aha in 18 MAY , laga dhigo maalintii Qaranku lahaa, 18 may maxaa dhacay? ma xornimmo ayeynu ka qaadaney GB ? waxaan dood ka qabaa 18 May waxaan Odhan lahaa, maalinta Qarranku waa 26 JUNE 1960, ha loo soo Noqdo maalinta saxda ah ee qarranku leeyahay, 18 MAY waa Lugooyo Qarrankanni Waxuu Xornimmo qaatey 26 JUNE 1960, Ma mar labaad ayaa xorrnimo aynu qaadaney? arrinkaas sax ma aha. Dawladda Somaliland waxaan Kula talin lahaa in Meesha laga Saaro 18 MAY, oo maalintii Qarranku lahaa la xuso oo la Xasuusto.

Waxaad Moodaa, in waxii Qarranku, Qarran ku Noqon lahaa, la ilduufaayo, ama si badheedh ah loo baal maraayo, ogaada Taariikhda aduunka waxaa Qorran 26 JUNE 1960
Waxay Wax baddan ka tarri lahayd, Ictiraaf Raadinta aynu u baahanahay, Waxay wax ka tareysaa SOMALILAND LA WADDA LEEYAHAY, uma baahnin maanta maalin murran baddan dhalisa oo aan loo dhamayn, Waxaan ku soo koobayaa Dib ha loogu Noqdo , Maalintii Somaliland wadda lahayd,

Kayse Kahin
keysekahin@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this