Deeq A. Posted April 30, 2019 SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW AAN SIDUU YAHAY EEGNEE KANNA SIIB KANNA SAAR AUN, Abwaan C/laahi Suldaan Timmacadde Waa Maalintii Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland, waa Maalintii aynu xornimadda qaadaney, ka did baadi goob dheer iyo dadaal fara badan oo ay awowyaasheen ku soo dhiciyeen Hasheenii Maandeeq. waa Maalinta Qarannimadda Somaliland. Qarankani ma geyo in la marin habaabiyo , 26 JUNE 1960, waa Maalin la wadda leeyahay lawyacaddo ilaa YOOCADDA. Sax ma aha in 18 MAY , laga dhigo maalintii Qaranku lahaa, 18 may maxaa dhacay? ma xornimmo ayeynu ka qaadaney GB ? waxaan dood ka qabaa 18 May waxaan Odhan lahaa, maalinta Qarranku waa 26 JUNE 1960, ha loo soo Noqdo maalinta saxda ah ee qarranku leeyahay, 18 MAY waa Lugooyo Qarrankanni Waxuu Xornimmo qaatey 26 JUNE 1960, Ma mar labaad ayaa xorrnimo aynu qaadaney? arrinkaas sax ma aha. Dawladda Somaliland waxaan Kula talin lahaa in Meesha laga Saaro 18 MAY, oo maalintii Qarranku lahaa la xuso oo la Xasuusto. Waxaad Moodaa, in waxii Qarranku, Qarran ku Noqon lahaa, la ilduufaayo, ama si badheedh ah loo baal maraayo, ogaada Taariikhda aduunka waxaa Qorran 26 JUNE 1960 Waxay Wax baddan ka tarri lahayd, Ictiraaf Raadinta aynu u baahanahay, Waxay wax ka tareysaa SOMALILAND LA WADDA LEEYAHAY, uma baahnin maanta maalin murran baddan dhalisa oo aan loo dhamayn, Waxaan ku soo koobayaa Dib ha loogu Noqdo , Maalintii Somaliland wadda lahayd, Kayse Kahin keysekahin@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites