Deeq A. Posted April 30, 2019 Doha (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo hadal ka jeedinayay shir uu soo qaban qaabiyay Machad ka faalooda arrimaha Diblumaasiyada oo hoostaga dowladda Qatar, kaas oo ciwaan looga dhigay “Geeska Africa” ayaa daboolka ka qaaday in Soomaaliya khilaafka ka dhex aloolsan wadamada Khaliijka ay ka qaadatay go’aan dhex dhexaad ah, islamarkaana weli ay huwantahay go’aankeedii shalay. Sidoo kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in go’aankaasi uu saameyn ba’an ku yeeshay, si kasta oo ay ahaatana aysan ka noqon doonin go’aankooda. “Waxaan rabnaa in aan u madax banaano go’aankeena iuo dhulkeena”sidaas waxa yiri Wasiir Cawad. Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa la sheegay in Soomaaliya ay ku cadaadinayaan sidii ay xiriirka ugu jari laheyd dowladda Qatar, hayeeshee waxaa go’aankaas ka biyo diiday Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites