Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Shaqaale-Weynaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-Weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, meel ay joogaanba.

biixi-1.jpg

Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyo sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dhabar adaygaan duruufaha nololeed ee kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, xuskan xuskiisana ku gaadhsiiyo nabadqab, horumar iyo badhaadhe, waxaanu kula dardaarmay madaxweynuhu inay joogteeyaan saacadaha shaqada si waddaniyad iyo xilkasnimo ku dheehan tahayna u gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran hawlaha shaqo ah ee ay qaranka u hayaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this