Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Dhego Adaygtay Gurmad Ay Ka Dalbadeen Laba Sarkaal Muddo Shan Cisho Ka Hor Intii Aan La Dilin

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Somalilandtoday) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay ka dhego adagtay gurmad ay mudo shan cisho ka hore ay ka dalbadeen labada Sarkaal ee lagu diley shalay duleedka degmada Yagoori , hasyeyeeshee ay Xukuumadda Biixi dhegaha ka furaysatay inay gurmad fidiso, isla markaana ay ka bad-baadiso weerarkii ay dablaydaasi ku khaarajiyeen

Capturedddddddddddddd-1.jpg

Guddoomiye Cirro ayaa sidaasi ku sheegay mar uu war-baahinta kula hadlayey Xarunta guud ee xisbiga WADDANI “Saraakiishii ciidanka Somaliland ee denbiilayaashu ku dileen gobolka Sanaag qarankana waan ka tacsiyadaynayaa , ehelkii iyo xaasaskoodii iyo qaraabadoodiina waan ka tacsiyadaynayaa , waxa waajib ah in sharciga dambiilayaasha la horkeeno .”

Dhanka Kalene Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in labadaa sarkaa ka hor intii aan la dilin ay qayladhaan ay gurmad kaga dalbanayaan ay usoo direen Xukuumadda , balse ay Xukuumadda ka dhego adaygtay “Waxaan’se ka xumahay sida la sheegay in Saraakiishaashii muddo shan cisho ah , ay gurmad ka dalbanayeen Maxamed Kaahin oo ku mashquulsanaa doorasho laba Xisbi ayaan qabanayaa “

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this