Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo amni mudda saddex bilood ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in  ay mudda saddex bilood ah xaalad deg deg ah ku soo rogtay degmooyinka Ceel-afweyn, Gar-adag iyo Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud warsame Jaamac ayaa sheegay in xaalad deg deg ah madaxweynaha Somaliland ku soo rogay degmooyinkaasi kadib markii falal amni-darro ah ay ku soo noq-noqdeen maalmihii u dambeeyay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada kala duwan ee Somaliland lagu amray in ay qaadin karaan tallaabo kasta oo lagu sugayo amniga magaalooyinka xaaladda deg dega lagu soo rogay.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo amni mudda saddex bilood ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this