Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo xaalad degdeg ku soo rogay deegaano ka tirsan Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg-deg ah ku soo rogay qaybo ka mid ah gobolka Sanaag sida Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-Afweyn sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka madaxtooyadu.

Xaaladda degdega oo socon doona muddo saddex bilood ayaa lagu soo rogay magaalada Ceerigaabo, Ceel Afweyn iyo Gar Adag.

Wararka ayaa sheegaya in mudada ay xaalada degdega ku jirto deegaanadaas uu ka socon doono kaliya amarka Ciidamada.

Tilaabaddan  ayaa timid kadib markii maalintii shalay lama sarkaal oo ciidamada Somaliland ah oo ka hawl gali jiray Gar-adag lagu dilay degaanka Gobab maxan ee degmada Yagoori.

Banaan baxyo rabshado watay ayaa shalay ka dhacay deegaanka Gar Adag, waxaana banaan baxaas uu ka dhashay markii nin maxbuus ahaa uu ku dhintay Xabsiga.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this