Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaan Caan Ah Oo Ka Mid Ahaa Ergadii Madaxda Dhaqanka Ahayd Ee Daminta Colaada U Joogay Deegaanka Ceel-Afweyn Oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda-dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cabdilaahi Cabdi Koor oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 30/04/2019, shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Bohol ee gobolka Sanaag.

zMuuse-Bihi-624x360-1.png

Madaxweynuhu waxa uu ku sifeeyey marxuumka oday dhaqameed ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadaynta iyo dib u dhiska dalka, mudooyinkii u danbeeyeyna waxa uu ka mid ahaa ergadii madaxda dhaqanka ka koobnaa ee daminta colaadii u joogay deegaanka ceel-afweyn.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Madaxda-dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this