Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo cadaan ah oo weerar ka fuliyay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoryooley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay Ciidamada dowladda iyo kuwa Cadaan ah ay ku qaadeen deegaanka Doonburaale oo qiyaastii 20 KM dhinaca koonfureed ka xiga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose.

Ciidamada huwanta oo watay diyaarado dagaal ayaa la sheegay in ku taateen gudaha deegaankaasi oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidamadu ay gubeen Maqaaxi ku taalla halkaasi, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Milkilihii goobtaasi ganacsi.

Sidoo kale Ciidamada aya dab qabad siiyay illaa saddex Mooto oo la sheegay in ay lahaayeen dad dacwad sugayaal ah oo ku sugnaa xarumo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Doonburaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamadani ay horay u soo kaxeysteen nin Al Shabaab ugu xirnaa deegaankaasi.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkan, waxaana la Sheegay in Al Shabaab ay si nabdoon u baneeyeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari laga dareemayo qeybo ka mid ah  gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Sooomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this