Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo u digtay dadka taageera Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Saraakiisha Kenya ayaa ballan qaaday in tallaabo adag oo ay ka qaadi doonaan xubnaha ka tirsan dadweynaha ee taageerada siiya dagaalyahannada Al Shabaab ee weerarada ka fuliya deegaanada ku yaalla xuduuda.

Maxamed Birik, oo ah guddoomiyaha gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa sheegay in shakhsiyaadka lagu helo in ay siiyaan taageero Al Shabaab ay la kulmi doonaan xabsi iyo ganaax.

Birik wuxuu shaaca ka qaaday in saraakiisha ammaanka ee ku sugan Keynta Boni ay qabteen  raashiin iyo saanad kale oo loo waday Al Shabaab.

Sarkaal ka tirsan xukuumadda ayaa sheegay in ciidamada dalka Kenya ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan weerarro argagixiso oo la doonayay in dalkaasi laga fuliyo, kuwaas oo uu sheegay in laga soo abaabulay gudaha Soomaaliya.

Waxa uu ku booriyay xubnaha dadweynaha in ay sameeyaan feejignaan sare oo ay soo sheegaan wixii ay ka shaakiyaan iyo qofkii iyaga dhexdooda ka maleegaya weerar.

Xukuumadda Kenya ayaa waxay tan iyo sanadkii hore ka qortay gobolka Waqooyi Bari Ciidamo Boolis ah, si ay uga kortagaan weerarada uga yimaada  dhinaca Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this