Deeq A. Posted April 30, 2019 Dharkenley (SMN) -Kooxo hugeysan ayaa maanta Qof shacab ahaa ku dilay xaafadda Xoosh degmada Dharkenley ee gobollka Banadir. Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Erdhow, iyadoona raggii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka uuu ka mid ahaa Ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada BFS ee ka soo jeed Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamadda ammaanka oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Waa dilkii 2-aad oo 24 saac gudahood ka dhacaya Dharkenley, iyadoona xalay degmadaasi lagu dilay nin lagu magacabi jiray Maxamed Cali Nuur. View the full article Share this post Link to post Share on other sites