Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dil ka dhacay Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Dharkenley (SMN) -Kooxo hugeysan ayaa maanta Qof shacab ahaa ku dilay xaafadda Xoosh degmada Dharkenley ee gobollka Banadir.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Erdhow, iyadoona raggii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka uuu ka mid ahaa Ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada BFS ee ka soo jeed Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamadda ammaanka oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa  baaritaano kooban  ka sameeyay halkaasi.

Waa dilkii 2-aad oo 24 saac gudahood ka dhacaya Dharkenley, iyadoona xalay degmadaasi lagu dilay nin lagu magacabi jiray Maxamed Cali Nuur.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this