Sign in to follow this  
Deeq A.

Labo Askari Oo Lagu Dilay Sanaag Iyo Muuse Biixi Oo Ka Tacsiyeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland ayaa ka tacsiyeeyey labadii askari ee lagu dilay gobolka Sanaag, arrintan ayaa timid kadib markii 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada asluubta lagu dilay Bancade.

Saraakiisha la dilay ayaa kala ah:

1 Gaashaanle sare Cabdullaahi Axmed Tahllan oo taliyihii saldhiga Gar-ad ee ciidanka Asluunta

2 Labo Xidigle Nuur Ow Cali Nuux  oo ah taliye ku xigeenkii  saldhiga deegaanka Gar-ad ee gobalka Sanaag.

Labadan taliye ayaa wararku sheegayaan in la diilay ayagoo deegaanka si dhuumaalaysi ah uga baxsanaya, ka dib markii Mudaaharaad ciidanka looga soo hor jeedo uu ka dhacay deegaanka ka dib markii qof deegaanka ah uu dhintay xabsiga.

Labada taliye  ayaana sheegaya in dileen ciidamo maleeshiyo beeleed ah kuwaas oo  ku dilay  inta u dhaxaysa deegaanka Bancade.

Goobjoog.News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this