Deeq A. Posted April 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay saddex qof oo loo heysto dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay Allaha U naxariistee Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo). Saddexda qof ee la xukumay ayaa kala ah Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed. Sidoo kale maxakamdda ayaa sii deysay illaa afar eedeysane, kadib markii ay sheegtay in lagu waayay wax dambi ah. Muuse Macalin Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xukunkan uu racfaan ka furan yahay. Kiiska dilka ah ee Marxuum Axmed Dowlo ayaa 20/09/2018-kii ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites