Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay degmada Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Dharkenley (SMN) – Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay Qof rayid ahaa lagu dilay gudaha degmadaasi.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Dabaqeenka, iyadoona ay geysteen kooxo ku hubeysnaa Bastoolado.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Nuur, kaas oo la sheegay in uu ahaa Farsamaqaan dhinaca Korontada.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Marxumkaasi.

Raggii ka dambeeyay dilkani aya sidoo kale lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen.

Mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan dhacdadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this