Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhoobley (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo xalay lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ku sugnaa deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan oo loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa la sheegay in lagu qaaday Guri ay ku sugnaayeen Ciidamadaasi oo ku yaalla xaafadda koowaad ee degmadaasi.

Ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawameen lix kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira taliyaha deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wararka aya intaasi ku daraya weerarkani kadib Ciidamadu howlgallo dad lagu soo qab qabtay ay ka sameeyeeen halkaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this