Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Kooxda Daacish Oo Markii U Horraysay Muddo 5 Sanno Kadib Ka Soo Muuqday Muuqaal

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dimishiq)-Hogaamiyaha Kooxda Daacish Abubakar ayaa markii u horraysay muddo 5 sanno wuxuu ka soo muuqday muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada.

Baqdaadi.jpgThis image made from video posted on a militant website on Monday, April 29, 2019, purports to show the leader of the Islamic State group, Abu Bakr al-Baghdadi, being interviewed by his group’s Al-Furqan media outlet. Al-Bagdadi acknowledged in his first video since June 2014 that IS lost the war in the eastern Syrian village of Baghouz that was captured last month by the Kurdish-led Syrian Democratic Forces. (Al-Furqan media via AP)

Hogaamiyahan oo magaciisa rasmiga yahay Ibrahim Awwad Ibrahim Ali al-Badri, Dhalasho ahaana ka soo jeeda Ciraaq ayaa ku goodiyay inay aargoosan doonaan ka gadaal markii laga qabsaday dhammaan dhulkii ay ka haysteen wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

Al Baqdadi oo aan la arkin muuqiisa ilaa bishii julay ee sanadkii 2014ka ayaa muuqaal 18 daqiiqo ahaa oo laga sii daayay warbaahinta afkooda ku hadasha al-Furqan media network, waxa uu kaga hadlay guuldaradii kooxdiisu kala kulantay degaanka Baghuz oo ahayd goobtii ugu dambaysay ee ay kaga sugnaayeen wadanka Ciraq

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Qaraxyadii lagu laayayay boqolaal qof ee u dabaaldegayay ciidada Easterka ee Masiixiga ee wadanka Sirilaanka. dagaalo kooxdiisu ka wadaan wadamada Maali iyo Burkiino Faso ee qaarada Afrika

Dagaalkii Baghus wuu dhamaaday, laakiin Dagaalo badan ayaa imaan soo socda” ayuu yidhi baqdaadi.

Kooxda Daacish ayaa mar ka talin jirtay dhul ballaaran oo ku yaala wadamada Ciraaq iyo Siiriya ka hore intii aan xoog looga xorayn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this