Sign in to follow this  
Deeq A.

“Kenya Waxa Ay Xidhiidh Dublamaasiyadeed La Yeelanaysaa Somaliland….” Wargeyska Daily Nation Ee Kasoo Baxa Magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Wargeyska Afka dheer ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa qorey in dowladda Kenya ay qorsheynayso in ay xafiis ka furato magaalada Hargeysa si loo yagleelo xiriir dublamaasiyadeed oo ka dhaxeeya Kenya Somaliland.

d3dd3258-ed76-4d3a-bc9b-69a9d8ccd08a

Wargeyska ayaa sheegay in danjire lagu magacaabo Philip Mudia Githiora loo igmaday in uu xafiis ka furo Hargeysa, kadib markii sida la sheegay ay wadahadallo yeesheen wasiirka arrimaha dibedda Kenya Dr Monica Juma iyo wakiilka Somaliland ee Kenya Cumar Baashe.

Wargeyska oo qoraalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dr Juma ay kulan la yeelatay wasiirkii hore ee Somaliland Sacad Cali Shire.

Kulamadaasi kadib, wasiiradda Dr Juma ayuu wargeyska sheegay in ay warqad u qortay Xoghayaha Joogtada ah ee Shaqaalaha Rayidka ah Joseph Kinyua si uu u fududeeyo hawsha xafiiska cusub ee Hargeysa.

“Xidhiidh taariikhi ayaa nagala dhaxeeyey Kenya illaa xiligii gumeystihii, tallaabada ay Kenya qaadday in ay xafiis uga furato Hargeysa waxa ay sare u sii qaadaysaa iskaashi dhanka ganacsi iyo bulsho oo na dhexmara” ayuu wargeyska kasoo xigtay Cumar Baashe oo ah wakiilka Somaliland ee Kenya.

Somaliland ayaa bishii Diseembar ee sannadkii hore Nairobi ku qabatay shir arrimaha maalgashiga looga hadlayo, shirkaas oo uu furey wasiirka arrimaha dibedda Yaasiin Maxamed, kaas oo maalgashadayaasha Kenya ku dhiirogaliyay in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi jira.

Wakiilka Somaliland ee Kenya ayaa soo hadal qaaday ganacsiga qaadka Kenya oo uu sheegay in wax badan laga macaashayo, isaga oo sidoo kale ku taliyay in shirkadda diyaaradda ee Kenya Airways ay biloowdo duulimaadyo toos ah oo ay ku tagayso Hargeysa.

Wakiilka Kenya ay u igmatay arrimaha Somaliland Mr Githiora ayaa horey uga hawlgali jiray safaaradda Kenya ee Moscow, Ruushka.

Warkan uu wargeyska qoray ayaa imanaya xilli bilihii lasoo dhaafay uu madmadoow soo kala dhexgalay xidhiidhka Kenya iyo Soomaaliya, inkasta oo markii dambe labada dowladood ay sheegeen in ay isfaham ka gaareen wixii jiray.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this