Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Qatar iyo Turkey u sameysay Balanqaad ka careysiin kara Dalal dhowr ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Doha (Caasimada Online)-Axmed Ciise Cawad Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba aysan xubin ka noqon doonin isbaheysi ka dhan ah dalalka Qatar iyo Turkey.

Wasiir Cawad oo ka qeybgalayay Siminaar lagu qabtay Mac-hadka Diblomaasiyadda ee hoostaga Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegay in waddamada ku midoobey isbaheysiyada  Badda Cas, Badda  Carbeed iyo Gacanka Caqaba, ay isku dayayaan in ay SOomaaliya ka saaraan Isbaheysiga Badda cas.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay go’aanno ad adag ka qaadatay khilaafkii Waddamada Khaliijka islamarkaana ahaayeen go’aanno ku xirnaa madaxbanaanida Soomaaliya.

Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in Soomaaliya ay sidoo kale ka guuleysatay caqabad ka soo wajahday dhinaca Kenya oo la xiriirtay Muranka Badda islamarkaana la dejiyay xaaladda go’aankana loo daayay Maxkamadda ICJ.

Danjire Axmed ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay Xeebaha ugu dheer Afrika marka laga reebo Madagascar,waxaa uu xusay in dalkiisu u baahanyahay maalgashi iyo dib u dhis,waxa ugu horreeyana ay ka midyihiin dayactirka 8 Dekadood.

Wasiirku waxaa kale oo uu madasha ka sheegay in Soomaaliya iyo 44 Dal kale oo Afrikaan ah ay ka shaqeynayaan mashruuc lagu sameynayo suuqa Afrika oo  looga hortagayo abaaraha dhallinyaradana loogu abuurayo shaqo.

Caasimada Online
Xafiiska Qatar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this