Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Weerar lagu qaaday guriga Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday guri sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland uu ka deganaa magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa bambaanooyin lagu weeraray guriga oo ku yaala degmada Dhoobleey, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Weerarkaasi ayaa lagu waramayaa inuu sababay dhimashada hal askari oo ka mid ahaa ciidamada Jubbaland iyo dhaawaca 7 kale oo ku sugnaa guriga, waxaana dadka dhaawacmay kamid ah taliyaha ciidamada Jubbaland ee deegaanka Taabto.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen rasaas ay ciidamada amaanka ku rideen dadka weerarka ka dambeeyay oo la sheegay inay ka baxsadeen halka ay weerarka ka geysteen.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi bambaano, hayeeshee waxaa inta badan weerarada noocaas oo kale ah mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo dadka taageera.

Maamulka degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee degmadaasi weli kama hadlin weerarkaas,balse Wararka saakey laga helayo degmadaasi Dhoobley ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay wadaan baaritaano.

Al Shabaab ayaa horey u sheegtay masuuliyadda weeraro kala duwan oo lala eegtay saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana saraakiisha Jubbaland dhankooda ay sheegeen in xubnaha weerarkii Dhoobleey ka dambeeyay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Dhoobleey
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this