Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Baghdadi: Dagaalka Islaamka iyo dadkiisu kula jiraan Kirishtanka iyo dadkiisa waa mid dheer

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha  ururka Daacish Abu Bakr al-Baghdadi ayaa shalay ka soo muuqday cajal Video ah kadib mudda 5 sano ah oo aan la arkin.

Cajalka oo lagu baahiyay bogga loo yaqaan al-Furqaan ee ururka Daacish ayaa cinwaan looga dhigay” amiirka mu’miniinta” waxaana laga arkayaa al-Baghdadi oo aan weji daboolneyn balse ay la fadhiyaan xubno kale oo wejiyadooda qariyay.

Muuqaalka oo soconaya mudda 18 daqiiqo ah ayaa al-Baghdadi ku hanjabayaa in loo aar-gudi doono xubno muhiim ah oo ururkiisa looga dilay dagaallada dalka Suuriya iyo kuwa kale oo sida uu sheegay la qafaashay.

Wuxuu sheegay in ururkiisu ay 92 weerar ka fuliyeen 8 dal oo ku yaalla caalamka isagoo ku hanjabay in ay sii xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah waxa uu ku tilmaamay “Cadowga Alle”.

Al-Baghdadi ayaa weerarradii ka dhacay dalalka  Sri Lanka iyo Saudi Arabia ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwa loogu aar-gudayo xubno muhiim ah oo laga dilay ururkiisa isagoo xusay in dagaalku yahay mid dheer  “ dagaalka Islaamka iyo dadkiisu kula jiraan Kirishtanka iyo dadkiisa waa mid dheer” ayuu yiri.

Cajalka uu soo duubay hoggaamiyahan 47 jirka ah oo Maraykanku madaxiisa ku raadinayo $25 malyan oo Dollar ayaa beeninaya warar u hore u soo baxay oo lagu sheegay in uu ku dhintay duqeymaha diyaaradaha Maraykanka.

Dhinaca kale waxaa muuqaalkiisa ka carootay dowladda Maraykanka oo mar kale ku celisay in Daacish ay ku beegsan doonto meel kasta oo dunida kamid ah islamarkaana ay cadaaladda horkeeni doonta hoggaamiyihiisa al-Baghdadi.

Muuqaalkan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee wejigiisa si furan loo arko ee laga soo duubay al-Baghdadi tan iyo 29 June 2014 xilligaasi oo muuqaal laga soo duubay uu dalka Iraq kaga dhawaaqay ururka Daacish isagoo isku magacaabay Imiirkii Mu’miniinta.

PUNTLAND POST

The post Al-Baghdadi: Dagaalka Islaamka iyo dadkiisu kula jiraan Kirishtanka iyo dadkiisa waa mid dheer appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this