Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiyaha ISIS oo La sheegay in la dilay oo 5 Sanno kadib Muqaal soo duubay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hogaamiyaha ISIS oo La sheegay in la dilay oo 5 Sanno kadib Muqaal soo duubay

 

Hogaamiyaha Kooxda ISIS / Daacish Abubakar ayaa markii u horraysay muddo 5 sanno wuxuu ka soo muuqday muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada.

Baqdaadi-740x453.jpg

Hogaamiyahan oo magaciisa rasmiga yahay Ibrahim Awwad Ibrahim Ali al-Badri, Dhalasho ahaana ka soo jeeda Ciraaq ayaa ku goodiyay inay aargoosan doonaan ka gadaal markii laga qabsaday dhammaan dhulkii ay ka haysteen wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

Al Baqdadi oo aan la arkin muuqiisa ilaa bishii julay ee sanadkii 2014ka ayaa muuqaal 18 daqiiqo ahaa oo laga sii daayay warbaahinta afkooda ku hadasha al-Furqan media network, waxa uu kaga hadlay guuldaradii kooxdiisu kala kulantay degaanka Baghuz oo ahayd goobtii ugu dambaysay ee ay kaga sugnaayeen wadanka Ciraq

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Qaraxyadii lagu laayayay boqolaal qof ee u dabaaldegayay ciidada Easterka ee Masiixiga ee wadanka Sirilaanka. dagaalo kooxdiisu ka wadaan wadamada Maali iyo Burkiino Faso ee qaarada Afrika

Dagaalkii Baghus wuu dhamaaday, laakiin Dagaalo badan ayaa imaan soo socda” ayuu yidhi baqdaadi.

Kooxda Daacish ayaa mar ka talin jirtay dhul ballaadhan oo ku yaala wadamada Ciraaq iyo Siiriya ka hore intii aan xoog looga xorayn.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this