Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo lagu dilay gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiya beeleed hubaysan ayaaa shalay galab tuulada Gobab-maxan oo hoostimaada degmada Yagoori ee gobolka Sool ku dilay taliyaal ka tirsana ciidamada Booliiska iyo Asluubta ee Somaliland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu xaqiijiyay in halkaasi la dilay taliyihii xabsiga degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag Gaashaanle Cabdullaahi Axmed Tallan iyo taliye xigeenkii saldhiga Booliiska degmada gar-adag 2Xiddigle Nuur Awcali Nuux.

Muuse Biixi ayaa laamaha amniga Somaliland ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan kuwii ka dambeeyay dilka saraakiisha waxaana uu sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo fal noocaasi lamida ku kacda.

Saraakiisha la dilay ayaa la sheegay in ay ka soo carareen gobolka Sanaag kadib markii lagu eedeeyay dilka nin ganacsade ah oo lagu dhex sumeeyay xabsiga degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi.

Balse malayshiya-beeleed la hayb ah ganacsadaha la sumeeyay ayaa weerar jid-gooyo ah ku dilay xilli ay marayeen tuulada Gobab-maxan ee gobolka Sool.

Dilka taliyaasha ayaa ku soo beegmayaa xilli maalin ka hor degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag lagu dilay laba qof oo shacab ah kuwaasi oo la sheegay in aano-qabiil loo dilay.

PUNTLAND POST

The post Taliyaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo lagu dilay gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this