Deeq A.

Axmed Ismaaciil Samatar oo aqoonsiga Somaliland ka sheegay xaqiiq cajiib ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Aqoonyahanada caanka ka ah geyiga Soomaalida, ayaa maanta mar uu ka hadlayey kulan doodeed ay yeeshen dhalinyarada magaalada Berbera, wuxuu dhaliilo ujeediyey dowlada Somaliland.

Prof Samatar ayaa dowladda Somaliland ku dhaliilay inay tahli kari weyday inay hal Saaxiiba ay ku yeelato wadamada caalamka.

“28-kii sannadood wixii aynu is lahayn waxbaad isku daydeen aanay faa’iido keenin, waddan qudha oo Maanta ina aqoonsan oo aynu Saaxiib la nahay ma jiro, markaa in la iswaydiiyo sow maaha” ayuu yiri Prof Samatar.

Dhinaca kale, Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa waxa la waydiiyey waxa uu ku kordhin karo siyaasadda Arrimaha dibedda Somaliland, haddii loo dhiibo xilka Wasaaraddaasi, wuxuuna yiri:

“Anigu Somaliland umaan imanin, doorashadana ugama qayb-gelin inaan Wasiir noqdo, laakiin hadday timaaddo oo aan ogolaado, waxaan rabaa inaan ku guulaysto, ma doonayo inaan Xafiis iska fadhiyo la i yidhaahdo ‘Wasiir Samatar’, laakiin waxaan doonayaa inaan shaqadaa ku guulaysto oo aan iska dhameeyo, dabadeedna aan noloshayda iyo shaqadayda ku noqdo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa Anigu Shuruudo ayaan wataan haddii la igu yidhaahdo shaqada Arrimaha dibedda qabo, Nin Wasiirnimo doonaya ma ihi, laakiin haddii la yidhaahdo Waddankii baa kuu baahan waa Caadi, markaa Aniguna Shuruudo ayaan wataa si aan shaqadaa uga adkaado, markaa Madaxda Somaliland waxaan leeyahay Shuruudahayga ma ka soo baxaysaan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

28ka sano oo snm kusoo tacabtay aqoonsi doonka asagu labo sano kaliya yuu la joogaa waxaan hadal ahayna sooma kordhin

Waan hubaa hadii la waydiiyo shanta tiir islaamku sidee isugu xigaan inuusan garanayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.