Deeq A. Posted April 29, 2019 Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), xubno ka tirsan wasaaradda Maaliyadda iyo taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe). Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, gaar ahaan dib u dhiska Ciidanka iyo howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda dalka. “Waxaan maanta guddoomiyay shir aan isugu yeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradaha Gaashaandhigga & Maaliyadda oo aan uga hadleynay dib-u-habeynta ciidamada iyo howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga. DFS ayaa wada howlagllo lagu xaqiijinayo amniga dalka, kuwaas oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. View the full article Share this post Link to post Share on other sites