Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dab-demisyo loo soo iibiyay caasimadda Garoowe oo dib loogala noqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay, in saddex dab-demis iyo booyad loo soo iibiyay caasimadda Garoowe dib looga celiyay, kadib markii khilaaf ka buurmay, qoraal uu bartiisa Facebook  ku daabacay duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse.

Duqa degmada Garoowe, ayaa qoraal uu Sabtidii daabacay ku sheegay, in ay diyaar yihiin saddex dab-demis iyo gaari booyada oo loo soo gaday caasimadda Garoowe, waxaana  iska kaashaday sida uu qoraalka ku xusay dowladda hoose oo bixisay %80 lacagta ku baxday  iyo shirkadda isgaarsiinta Golis oo bixisay %20 kamid ah lacagtaasi. Halkan ka akhriso

Haddaba, ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in mas’uuliyiinta shirkadda Golis ay ka caroodeen qoraalka duqa degmada, maadaama sida ay sheegeen dhammaan lacagta ku baxday gaadiidkan ay bixisay shirkadda isgaarsiinta Golis, halka qoraalkiisa uu ku xusay in ay bixisay %20 kamid ah lacagta.

Kadib habeenkii Sabtida, markii la akhristay qoraalka duqa degmada Garoowe, ayaa mas’uuliyiinta shirkadda Golis ay amar ku bixiyeen in dib magaalada Boosaaso  loogu celiyo, gaadiidkan dab-demiska oo wakhtigaasi ku xeraysnaa, garaash ku yaalla degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal oo la doonayey in subaxnimadii Axadda Garoowe la keeno.

Mas’uul ka tirsan shirkadda Golis,  ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in dhammaan lacagta ku baxday dab-demisyadan iyo booyadda la socota ay bixisay shirkaddooda oo ka soo iibisay dalka Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyay in aysan gebi haanba jirin cid kale oo hawshaasi ku wehelisay.

Sida ay xogtu sheegayso, mas’uuliyiinta shirkadda Golis, ayaa  si cad u diiday in ay dab-demisyada ku wareejiyaan duqa degmada Garoowe, iyagoo shardi ka dhigay in uu raalli-gelin buuxda ka bixiyo qoraalkiisa, islamarkaana uu bulshada  horteeda ka caddeeyo, in dab-demisyada ay soo gaday shirkadda Golis oo aan dowladda hoose shuqul ku lahayn.

Sidoo kale, waxaa haatan magaaalada Garoowe ka socda dadaal ay wadaan; ganacsato, waxgarad iyo mas’uuliyiin-dowladeed oo lagu xallinayo, khilaafka u dhexeeya shirkadda Golis iyo duqa degmada Garoowe oo meel fog kala taagan, si loo soo celiyo dab-demisyadii caasimadda  mar kaabiga u soo jirsaday balse lagala noqday.

Caasimadda Garoowe oo si xawli ah u kobcaysa, ayaa dhibaato weyni ka haysataa dhinaca dab-demisyada, waxaana marar hore dad ku dhinteen dabab ka kacay meherado ganacsi iyo dukaanno oo ku yaalla magaalada.

PUNTLAND POST

The post Xog: Dab-demisyo loo soo iibiyay caasimadda Garoowe oo dib loogala noqday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this