Deeq A. Posted April 29, 2019 Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay, in saddex dab-demis iyo booyad loo soo iibiyay caasimadda Garoowe dib looga celiyay, kadib markii khilaaf ka buurmay, qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse. Duqa degmada Garoowe, ayaa qoraal uu Sabtidii daabacay ku sheegay, in ay diyaar yihiin saddex dab-demis iyo gaari booyada oo loo soo gaday caasimadda Garoowe, waxaana iska kaashaday sida uu qoraalka ku xusay dowladda hoose oo bixisay %80 lacagta ku baxday iyo shirkadda isgaarsiinta Golis oo bixisay %20 kamid ah lacagtaasi. Halkan ka akhriso Haddaba, ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in mas’uuliyiinta shirkadda Golis ay ka caroodeen qoraalka duqa degmada, maadaama sida ay sheegeen dhammaan lacagta ku baxday gaadiidkan ay bixisay shirkadda isgaarsiinta Golis, halka qoraalkiisa uu ku xusay in ay bixisay %20 kamid ah lacagta. Kadib habeenkii Sabtida, markii la akhristay qoraalka duqa degmada Garoowe, ayaa mas’uuliyiinta shirkadda Golis ay amar ku bixiyeen in dib magaalada Boosaaso loogu celiyo, gaadiidkan dab-demiska oo wakhtigaasi ku xeraysnaa, garaash ku yaalla degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal oo la doonayey in subaxnimadii Axadda Garoowe la keeno. Mas’uul ka tirsan shirkadda Golis, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in dhammaan lacagta ku baxday dab-demisyadan iyo booyadda la socota ay bixisay shirkaddooda oo ka soo iibisay dalka Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyay in aysan gebi haanba jirin cid kale oo hawshaasi ku wehelisay. Sida ay xogtu sheegayso, mas’uuliyiinta shirkadda Golis, ayaa si cad u diiday in ay dab-demisyada ku wareejiyaan duqa degmada Garoowe, iyagoo shardi ka dhigay in uu raalli-gelin buuxda ka bixiyo qoraalkiisa, islamarkaana uu bulshada horteeda ka caddeeyo, in dab-demisyada ay soo gaday shirkadda Golis oo aan dowladda hoose shuqul ku lahayn. Sidoo kale, waxaa haatan magaaalada Garoowe ka socda dadaal ay wadaan; ganacsato, waxgarad iyo mas’uuliyiin-dowladeed oo lagu xallinayo, khilaafka u dhexeeya shirkadda Golis iyo duqa degmada Garoowe oo meel fog kala taagan, si loo soo celiyo dab-demisyadii caasimadda mar kaabiga u soo jirsaday balse lagala noqday. Caasimadda Garoowe oo si xawli ah u kobcaysa, ayaa dhibaato weyni ka haysataa dhinaca dab-demisyada, waxaana marar hore dad ku dhinteen dabab ka kacay meherado ganacsi iyo dukaanno oo ku yaalla magaalada. PUNTLAND POST The post Xog: Dab-demisyo loo soo iibiyay caasimadda Garoowe oo dib loogala noqday appeared first on Puntland Post. Quote Share this post Link to post Share on other sites