Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo amar deg deg ah ka soo saartay khilaafka Yariisow iyo Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa soo faragelisay Khilaafka dhanka Sharciga ah ee u dhaxeeyo Hanti Dhowraha Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka uu xaq u leeyahay inuu baaritaan ku sameeyo Dhaqaalaha ay Dowladda dhexe ku kabto Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir .

Wasaaradda ayaa Madaxda Gobolka Banaadir ku amartay inay Xafiiska Hanti Dhowrka u ogolaadaan Baaritaankaas isla markaasna lagu garab siiyo.

Waraaqda kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kusoo aadeyso xilli Xafiiska Hanti Dhowraha Qaranka uu xayiraad kusoo rogay Dhammaan Akoonada Maamulka Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku doodayey inuusan Xafiiska Hanti Dhowraha awood u laheyn inuu baari dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee Maamulkaas.

Sababta uu Maamulka Gobolka Banaadir u diiday in lala xisaabtamo ayaa lagu sheegay kadib markii lixdii bilood ee ka horeysaan lixdaan bil lagu helay Musuq maasuq xooggan iyo lacago badan oo la lunsaday isla markaasna ay haddana ka cabsanayaan in lasoo bandhigo musuq maasuqa ka jiro Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa maamulkA Gobolka Banaadir lagu eedeeyay iney ku maqantahay $16milion oo dollar, oo la waayay cida qaadatay iyo meesha lagu bixiyay sida ay isku raaceen guddiga Maaliyada ee Baarlamaanka iyo Hanti-dhowrka guud.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Waraaqda kasoo baxay Wasaaradda Arirmaha Gudaha

58667529_621386968339700_594182940565438

58576174_337838693598321_209461011809514

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this