Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland Oo howlgallo ka wada Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afmadow (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta Ciidamada Jubbaland dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan agagaarka degmada Afmadow ee gobolkaasi.

Ciidamadan oo aad u hubeysan, islamarkaana wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay isku fidiyeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay in u jeedka howlgalladani ay yihiin sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanadaasi.

Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa wal wal xoogan ka muujinaya in dagaal uu ka qarxo  halkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay haatan wado Jubbaland ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay la wareegeen degmada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this