Deeq A. Posted April 29, 2019 Afmadow (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta Ciidamada Jubbaland dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan agagaarka degmada Afmadow ee gobolkaasi. Ciidamadan oo aad u hubeysan, islamarkaana wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay isku fidiyeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay in u jeedka howlgalladani ay yihiin sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanadaasi. Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa wal wal xoogan ka muujinaya in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay haatan wado Jubbaland ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay la wareegeen degmada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites