Deeq A. Posted April 29, 2019 Doha (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan laba dhinacle ah kula yeeshay shalay oo Axad ahayd (28 April) Magaalada Doha Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar Mudane Mohammed bin Abdulrahman Al Thani. Wasiir Axmed Ciise Cawad iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo habkii looga horrumarin lahaa dhinac waliba, waxa ay sidoo kale isla faaqideen arrimaha gobolka iyo dunida. Xiriirka saldhigan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar waa tusaale iftiin badan oo caddayn u ah xiriirka dheer ee taariikhda labada dal. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites