Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Wasiir Cawad oo la kulmay dhiggiisa Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Doha (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan laba dhinacle ah kula yeeshay shalay oo Axad ahayd (28 April) Magaalada Doha Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar Mudane Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Wasiir Axmed Ciise Cawad iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar  ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo habkii looga horrumarin lahaa dhinac waliba, waxa ay sidoo kale isla faaqideen arrimaha gobolka iyo dunida.

Xiriirka saldhigan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar waa tusaale iftiin badan oo  caddayn u ah xiriirka dheer ee taariikhda labada dal.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

FB_IMG_1556523044754 FB_IMG_1556523040155

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this