Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Khaarajiyaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Ambassador Shamsudin Axmed, kadib markii safiirku uu booqasho ku tagay xafiiska wasiirka arimaha dibada Somaliland saaka subaxdii.

D5UYXw-W4AMqUeE-768x1024.jpg

Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo war qoraal ah soo dhigay barta ay ku leeyihiin Twitter-ka ayuu Wasiirka Arimaha dibada Somaliland uu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Ambassador Shamsudin oo ah Wakiilka Qunsuliyada dalka Ethiopia ay ku leedahay Somaliland uu ku soo booqdo xafiiskiisa.

Waxaanu intaasi ku daray Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon in Somaliland iyo Ethiopia ay yihiin laba dal oo wadaaga Nabadgalyada iyo Xasiloonida, isla markaana ay ka wadashaqeeyaan guud ahaan amaanka gobolka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this