Sign in to follow this  
Deeq A.

Maariiyihii tiyaatarka qaranka oo xilkii laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilkii ka qaaday Agaasimaha golaha murtida iyo madadaalada qaranka Soomaaliya Abwaan Cabdullaahi Cismaan Guure.

Wasiir Daahir Gelle ayaa xilkaasi u magacaabay Maxamed Abuukar Ma’da oo kamid ah wariyaasha warbaahinta dowlada.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in sababta xilka loo qaaday Guure ay tahay kadib war maanta ka baxay idaacad uu milki ahaan u leeyayay ee Muqdisho oo ku aadanaa in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay in xilka laga qaado Ra’isilwasaare Kheyre.

Baraha bulshada ayaa si aad ah looga hadal hayaa warkaasi maanta ay baahisay idaacad maxali ah oo ku taalo Muqdisho.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa beeniyay warkaasi uu ku sheegay in uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Puntland Post

The post Maariiyihii tiyaatarka qaranka oo xilkii laga qaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this