Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinta Turkiga Oo Tebisay In Nin Kamid Ah Raggii Loo Xidhay Dilka Khaashuqji Isku Dhex Dilay Gudaha Xabsiga.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Warbaahinta dalka Turkiga ayaa tebisay in qof kamid ah rag loo xidhay inay basaas ahaayeen horraantii bishan uu isku dilay gudaha xabsiga.

4e031225-913d-4be8-bfdc-eb2b8e0f8505

Turkiga waxaa uu sheegay inuu Imaaratka CarabTa kala shaqeynayo sidii macluumaad looga heli lahaa dadka u dhashay Imaaraatka ee magengelyada siyaasadeed ku joogo Turkiga.

Wararka waxay sheegayaan in raggan uu ku socdo baaritaan ku aadan suurtagalnimada ah inay ku lug lahaayeen dilka weriyihii Sucuudiga u dhashay ee Jamaal Kaashuqji.

Kaashuqji ayaa la dilay sannadkii lasoo dhaafay markii Sucuudiga uu koox u diray Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in ragga dilay weriyaha ay xiriir dhaw la lahaayeen dalka Imaaraatka Carabta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this